ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Akhristaha

Puntland Vs BBC Laanta Afsomaliga.

Posted to the Web  June 01, 2002

WQ

Faarax Jaamac

shillinson@hotmail.com 

 

Ugu horayn inta aanan dhiiban ra'yigayga ku saabsan BBC Vs PUNTLAND waxaan jeclahay inaan fursadaan uga faa'iidaysto inan halkaan ka salaamo shaqaalaha iyo tafaftirayaasha websiteka Allsomali oo fursad noo siiyay inaanu ka dhiibano fikradeena su'aalaha soo kordhaya ee u dhexeeya laanta afsoomaaliga ee BBcda iyo shacabka reer Puntland.

Taariikhiyan idaacadda BBCda ee laanta af-soomaaliga waxay shaqaynaysay in ka badan afartan sanno oo xiriir ah,waxayna ahayd idaacad dhexdhexaadnimo iyo hufnaan ku caanbaxday oo ay dhamaan ummadda Soomaaliyeed si isku mid ah ay wararka caalamka iyo dalkaba uga heli jireen laakiin wixii ka danbeeyay bishii abriil ee sanadkii 2000 idaacaddu waxay noqotay meel lagu hungoobay oo aad loogu hanjabay. Waxaan had iyo goor ka aqristaa maskaxdayda erayaddi ugu danbeeyay ee maamulihii hore ee idaacaddu ka yiri markii uu ka tagayey idaacadda abriil 2000 oo uu hadalkiisii ku soo gabagabeeyay inuu noo saaro gabaygii abwaankii cabdulaahi Suldaan Timacadde ee "Dugsi maleh Qabyaaladdi Waxay dumiso Mooyaane". Anigu waxaan is iraahdaa maamulihii hore ee idaacadda Mr.Maxamed cabdulaahi waxaa uu dardaaran u jeedinayay maamulka cusub ee idaacadda BBCda laanta afsoomaaliga iyo shaqaalaheeda inay ka fogaadaan inay jilaan ama dhiirigaliyaan cudurka qabyaalada ee soomaaliya aafeeyay maadaama idaac! addu saamayn wayn ku leedahay dhamaan dhinacyadda soomaalida sida ijtimaaciga,siyaasadda,dhaqaalaha IWM. waxaa kaloo ii soo baxday in maxamed qabay dareen ah inuu ka cabsi qabay in qabyaaladdu soo gaari karto sarta Bush House marka la fiiriyo cidda kabihiisa gashanaysay markii uu tagayay.

haddaba maxaa is badalay mar haddii ay idaacaddii BBCdu yeelatay tafaftire cusub?

XAGGA TAYADA IYO NUXURKA:

Ugu horaynba yuusuf garaad markii uu la wareegay hogaanka idaacadda waxuu u dhaqmay sidii kacaan dal af-gambi ku qabsaday oo wixii kacaanka aan la socon karin ama isir ahaan amaba fakir ahaan madaxa laga guro. Waxaa uu cayriyay shaqaalihii khibradda lahaa ee idaacadda ka soo shaqaynayay mudada dheer oo uu ku badalay wiilal yaryar oo ay isku hayb yihiin oo aan lahayn waayo-aragnimo saxaafadeed. shaqaalahas cusub intooda badan waxay ka shaqayn jireen idaacaddii Gen.Caydiid ee nacaybka fidin jirtay ee la oran jiran "Codka shacabka". Waxaad moodaa in abaalmarin loogu dalacsiiyay inay bush house soomaali u fariistaan. Marka shaqaalahaas aan khibradda lahayn waxay idaacadda gayaysiiyeen in ay tayada idaacadu hoos u dhacdo xagga turjumaada wararka, diyaarinta barnaamijyadda,horumarinta afsoomaaliga  iyo eray-bixinta iyo xagga dheelitirka. waagii hore idaacadu waxay lahaan jirtay doodo iyo waraysiyo ku saabsan arrimaha waaqiciga ah ee soomaaliya ka taagan laakiin labadi! i sanno ee lasoo dhafay waxaad moodaa in cabursanaan iyo jahawareer soo wajahay idaacadda.

DHEELI-TIRNAANTA IYO DHEXDHEXAADNIMADDA

Sida dad badani la socdo saxaafaddu waxay saamayn wayn ku yeelataa horumarka ama dibudhaca ummadeed oo haddii si wanaagsan loo isticmaalo waxay keeni kartaa horumarka iyo isfahamka ummadda laakiin haddii loo isticmaalo si xun, sidda tii ka dhacday Rwanda sanadkii 1994 oo nin suxufi ah oo huutuu ahi uu qabsaday codbaahiyihii idaacadda Kigaali oo uu yiri " war bariiska waxaa ku dhex jira hal hal digir ah ee halaga guro" si loo xasuuqo malyan ku dhawaadkii Tuutsiga ahaa,waxaa imaanaysa isfahamdarro bulshadda soo kala dhexgasha.

idaacada BBCda laanteeda afsoomaaliga  sanadihii ugu danbeeyay waxaa ka muuqday ku tagri fal miisaankii ay lahaan jirtay idaacaddu. Waxaa dadka sida aadka ah u dhuuxa dhaqdhaqaaqa idaacadda ay dareemayaan inay halkaas ka soo urayso sanuun qabyaaladeed oo haddii ay sii socoto keeni karta in dadku si tartiib ah u dareemaan in sarta Bush house ay tahay dhibaato ka mid dhibaatooyinka soomaalida haysta oo laga nasan la'yahay.

waxaad dareemaysaa in tafaftiraha idaacaddu uu koobiyaynayo siyaasadda kooxaha Soomaaliya ka jira  qaar ka mida, Boqolkiiba 70 waxaa lagu saleeyaa barnaamijyadda idaacadda sumasalaaxidda iyo taageeradda qaar ka mid kooxaha ka jira Muqdisho sida kooxda carta . Wariyayaasha u jooga magaalooyinka  xamar iyo hargaysa waxay u dhaqmaan oo lagu dhiirigaliyaa inay u hadlaan sida afhayeenadda somaliland iyo Cabdiqaasin. dadka qaar waxay ku tilmaamaan wariyaha yuusuf garaad xamar u jooga "madfaca idman ee carta".

Goboladda kale ee soomaaliya waxaa la geeyaa wariyayaal lid ku ah dadka dega ama caadaqaatayaal ah oo sheega waxii lagu amro,kuwaas oo buunbuuniya xumaanta iyo iska horkeenka ummadda. tusaale ahaan Puntland waxaa Yuusuf garaad geeyay markii la dhisay nin siyaasi ah oo Cabdulaahi Yuusuf kula tartamay doorashaddii madaxwaynanimada ee Puntland 1998 inuu halkaas uga soo waramo. waa dhurwaa hilbo ku rar adigoo og inuu cunayo. markii shirkii carta socdayna waxaa kale oo Puntland BBcdu wariye uga dhigtay shaqsi lagu yaqaan seeflaboodnimadda  oo ahaa tafaftiraha jariiradda Riyaaq ee ku hadasha afka ururka Al-itixaad al islaami  oo ay aad isaga soo horjeedaan shacabka iyo madaxda Puntland.

tafaftiraha cusubi wuxuu bilaabay olalle uu meelaha soomaaliya nabadu ka jirto sidda Puntland uu ku burburinayo isagoo isticmaalaya aaladda warbaahinta halka uu doonay inuu afkiisa ku nabadeeyo meelaha xiisaduhu ka jiraan sida Muqdishu oo uu wariyihii dhexdhexaadka ahaa ee Yuusuf xasan uu eryay oo uu ku badalay nin aan dareemayn inay dhagaysanayaan dad xog-ogaal u ah arrimaha Soomaaliya.

Midda kale, barigii hore shaqaalaha idaacaddu way miisaanaayeen xagga lahjadda iyo goboladda ay ka yimaadeen laakiin ayaamahan waxaa xaqiiqo ah in tafaftiraha cusubi dhallinyaro bacdii wali ku dhagan tahay oo ay isku hayb yihiin uu qoray halka shaqaalihii khibradda lahaa laga cayrshay sannad ka hor.

Ugu danbayntii waxaa dad badan oo Soomaali ah u cadaatay inaan dheg jalaq loo siin dardaarankii cabdulaahi Suldaan timacadde iyo Maxamed cabdulaahi oo ay tolo'aydii soomaalidu ay gaartay daarta laanta af-soomaaliga ee BBCda.

hadraawi wuxuu yiri," daahyaley anaa furay dabadayna lama xiro dooduna inoo furan"

F.J.Shillinson

Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid


Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.